Shirka Olombikada Carabta Oo Ka Qeyb. Soomaaliya

jiinka July 23, 2013 Comments Off
Shirka Olombikada Carabta Oo Ka Qeyb. Soomaaliya

Gudiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa ka qeybgalay shirweynihii dalalka carabta ee ka dhacay dalka Sacuudiga gaar ahaan magaaladiisa Jeddah,kaasi oo ay ka qeybgaleen dhamaan madaxda Olombikada dalalka Carabta.

 

Shirweynaha Olympikada dalalka carabta ayaa socdey mudo labo cisho ah 20-22ka bishan waxaa loga hadlay horumaradi iyo dib u dhicii ay sameyeen dalalka ku mideysan ee Carabta ah,ciyaarihii kadhacay iyo sidoo kale tartamada mustaqbalka laqaban doono,

 

Iyadoo warbixino kala duwan laga dhegeystay Madaxda qaarkood,leyskuna raacay sidii dowladaha carbeed aisaga kaashaan lahaayeen hor-umarinta ciyaaraha iyo kasoo muuqashada tartamada caalamiga ah.

 

Soomaliya oo shirkaa ay u metelayeen Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi iyo Madaxa GOS u qaabilsan xiriirka Carabta Mr. Cumar Cabdulqadir Barajab ayaa waxay halkaasi kulamo gooni gooni ah kula yeesheen madaxda kala duwan ee dowladaha carabta kasocdey,

 

Gaar ahaan Madaxii Saudi carabiya HRH Prince Nawaf Bin Faisal Al Saud oo ay kala hadleen xaalada Somaliya gaar ahaan dhinaca Sportiga,iyo sidii dowladda Riyad gacan uga geysan lahayd dib u dhiska ciyaaraha Soomaliya.

 

HRH Prince Nawaf Bin Faisal Al Saud ayaa si weyn uga mahad celiyey Madaxda GOS isagoo ku amanay doorkii wanaagsanaa ee ay kusii nooleyeen Sportiga dalkooda iyadoo marxalad adag uu ku jirey dalka Soomaaliya,

Wuxuuna balan qaadey inuu caawini doono Olombikada Soomaaliya si uu u gaaro hadafkiisa uu ku doonayo inuu mar kale sportiga Somaliya cagihiisa ku istaago dibna ula soo noqdo sharaftii iyo heybaddii uu ku lahaa caalamka.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.