Sh.Hoose Oo Lagu Dhaawacay Taliyaha N.Sugida

jiinka July 23, 2013 Comments Off
Sh.Hoose Oo Lagu Dhaawacay Taliyaha N.Sugida

Weerar shalay ka dhacay deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa la sheegayaa in lagu dhaawacay Taliyiha nabad sugida gobolka Sh/hoose Corneel Catoosh sidoo kalana lagu dilay labo ka mid ah Ilaaladiisa.

 

Weerarkaani oo ay gaysteeen maleeshiyaad hubeysan ayaa Guddoomiyaha deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Sh/hoose C/laahi Cali Axmed Waafoow waxa uu sheeegay inay ka dambeeyeen falka sarkaalkaan lagu dhaawacay ciidamo beeleed xiran shaarka dowladda sida uu sheegay oo deegaanka ay isbaaro u taallay.

 

Guddoomiyaha deegaanka Lambar 50 ee gobolka Sh/hoose C/laahi Cali Axmed Waafoow ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in weerarkaani lagu qaaday Taliyaha Nabadsugida gobolka uu daba socdo dagaal beeleed ka dhacay deegaanka.

 

Shalay subax oo sida uu sheegay u dhaxeeyay ciidamada u dhashay deegaanka iyo ciidamo kale oo ka tirsan dowladda balse uu sheegay in abaabulan qaab beeleed.

 

Muddooyinkaan dambe waxaa Gobalka Shabeelaha hoose deegaano ka tirsan ka taagnaa xiisado ku saleysan qabiil oo udhaxeeyay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya,taasi oo keentay in la dhaawaco taliyaha ciidanka Nabadsugida ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Dhaawaca taliyaha ayaa iminka waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka Daarul Shifa ee Magaalada Muqdisho,halkaasi oo shalay la geeyay.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

 

Comments are closed.