Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saaka aroortii uu ka dhacay qarax xoogan.
Qaraxan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ka dhexdhacay aqal ku yaala xaafada Kaluunka iyo xaafada Xalane loo yaqaan ee Degmada Wadajir kana agdhaw xarunta ciidanka AMISOM ee xalane.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay inoo sheegeen in qaraxan uu ka dhexdhacay aqal ka sameysay jiingado,loona badinayo in waxyaabahan qarxa lagu dhexdiyaarinaye gurigaasi.
Hal ruux ayaa ilaa iyo iminka lasoo wariyay in qaraxaasi uu ku geeriyooday,iyadoo ay jiraan dhaawacyo ka dhashay qaraxaasi balse tiro rasmi ah lama hayo.
Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Daaci oo aan wax jawaab ka soo saarin.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in guri qaraxa uu ka dhacay oo noociisa uu ahaa mid ka sameysan jiingad,hada ay ku hareeraysan yihiin ciidanka Dowlada Soomaaliya,gabi ahaana uusan jirin cid halkaasi ka bixi karta,howlgal ayaa goobta sidoo kale ka socda.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.