Sharuud Lagu Xiray Deymaha Soomaaliya

jiinka July 22, 2013 Comments Off
Sharuud Lagu Xiray Deymaha Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in deymaha Soomaaliya lagu leeyahay in laga saamaxo uu caalamka shuruud ku xiray,kadib markii Wasiirka Maaliyada Soomaaliya uu dhowr mar horgeeyay shirar muhiim ah oo arimaha dhaqaalaha looga hadlayo in deynta Soomaaliya laga cafiyo.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Jamaal Barow ayaa sheegay in cafinta deynta Soomaaliya lagu leeyahay lagu xiray shuruud.

 

Wuxuu sheegay in shuruudaasi ay tahay hadii Soomaaliya laga cafiyo deymaha badan ee caalamka uu ku leeyahay in muddo dhowr iyo labaatan sano ah Soomaaliya aysan qaadan wax deyn ah,taasina ay tahay wadada kaliya ee Soomaaliya deynta looga cafin karo.

 

Wasiirka ayaa sheegay si Soomaaliya looga cafiyo deymaha lagu leeyahay ay wanaagsan tahay in loo istaago dhaqangalka heshiiska bahwadaagta ah ee looyaqaano “Continuo agreement” kana dhexeeya wadamada Afrika, dalalka ku dhirirsan badaha Pacifica ,Caribbean-ka iyo Midowga Yurub kaasi oo dhawaan ay kamid noqotay Soomaalia.

 

Soomaaliya ayaa waxaa dhaqaalo kala duwan ku leh Hay’adda lacagta Aduunka IMF iyo Dowlado kale oo Soomalaiya ay horay uga qaadatay lacag ammaah ah.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.