Wax Qabad Dhaqaale Oo Ay Qm Dalbatay Markale

jiinka July 22, 2013 Comments Off
Wax Qabad Dhaqaale Oo Ay Qm Dalbatay Markale

Masuuliyiinta ugu sar-sareysa hay’ada dhanka Bini’aadanimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in loo baahan yahay lacago dheeraad ah oo wax looga qabto arimaha Bini’aadanimada ee ka taagan dalka Soomaaliya, gaar ahaan caruurta.

 

Masuuliyinta ayaa sheegay in loo baahan yahay dhaqaalo gaaraya 20 Milyan oo doolar, oo wax looga qabanayo dadka ku dhibaateysan wadanka kasoo kabsanaya dhibaatooyinkii soo maray, waxaana dhaqaalahaasi la sheegay in si gaar ahaaneed wax loogu qaban doono caruurta Soomaaliyeed.

 

“Qoondadaasi waxaa lagu caawin doonaa baahida nolasha dadka xaalada daran ay heysato”sidaasi waxaa yiri Philippe Lazzarini, oo ah masuul dhanka arimaha bini’aadanimada u qaabilsan qaramada midoobay, wuxuuna hadalkaasiu jeediyay hayada adduunka ugu weyn dhanka dhaqaalo ku bixinta arimaha bini’aadanimada.

 

Philippe Lazzarini, ayaa sheegay in Soomaaliya ay heyshay qoondadii ugu badneyn ee dhanka dhaqaalaha gargaarka oo gaaraya 72 Milyan oo doolar.

 

Masuulkaan ayaa dhawaan booqday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana uu sheegay in arimaha bini’aadanimada wali inay ka taagan yihiin gobolka Jubbada Hoose.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.