Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shaaca ka qaadday in shirweyne ku saabsan Ammaanka Qaranka la qaban doono dhawaan,
Iyadoo shacabka Soomaaliyeedna looga baahanyahay in ay ku dhiiradaan ka qeyb-qaadashada xasilinta amniga dalka iyo dabarjarka kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab.
Iyadoo dowlada Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo dhinacyo badan oo ay wax uga qabaneyso ammaanka dalka,
Islamarkaana ay meesha uga saarayso al- Shabaab ee banneeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed iyo dhaca hantidooda,
ayaa dhawaan dowladdu waxey soo bandhigtay qorshayaal la xiriira dhinaca ammaanka si dalkeena uu unoqdo meel ka caaggan al- Shabaab.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhawaan sheegay in dowladu qarsheyneyso Shirweyne Qaran oo looga hadlayo ammaanka dalka,
Isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkaasi ay ka soo bixidoonaan go’aanno iyo talooyin ah wax ku ool ah.
‘’Shirweyne looga hadklidoono amniga gudaha iyo sida loo xasilinkaro ayan qabandoona waxaana ka soo bixidoona in cid kasta oo dadka dhibeysa qorigana wax ku muquunineysa in si wadajir ah la isaga dhiciyo’’ Sidaasi waxaa yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.