Musharraxiinta u taagan xilka qabashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii labaad gubiyay araajidooda

xeydar September 5, 2012 Comments Off
Musharraxiinta u taagan xilka qabashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii labaad gubiyay araajidooda

Xubnaha araajidooda maalintii labaad gudbinaya ayaan illaa iyo hadda ka mid aheyn madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo waqtigoodii dhammaaday kuwaasi oo ku ekaa 20-Agusut ee bishii tagtay.

Guddiga qaabilsan doorashooyinka ayaa maanlintii labaad ku howlan qabashada ajaarida musharraxiinta u taagan madaxweynennimada, kuwaasi  oo Account Bangi loogu talagay ku shubay lacagtii ay doorashada ku geli lahaayeen.

Dhammaan musharraxiinta u tartameysa madaxweynaha Soomaaliya ayaa la hordhigay shuruudo adag, waxaana ka mid ah, in musharrax kasta uu heyso ama la yimaado baasaboor Soomaaliya si ay doorasha u noqoto mid sax ah.

Guddiga doorashooyinka ayaa diiday inuu magacaabo magacyada 31-ka musharrax ee iminka araajidooda la qabtay, iyadoo howsha qabashada codsiyada ay ku egtahay berito oo Arbaco taariikh 6/9/2012

13 musharrax ayaa shalay tanaasul sameeyay, kaddib markii ay isku raaceen in Xaaji Maxamed Yaasiin uu uga qeybgalo doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Haddaba, su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay, haddii berito ay ku eg tahay qabashada araajida musharraxiinta, suurtagal ma tahay in inta dhiman ay soo gudbistaan codsiyadooda?

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.