Kulan Madaxda Suudan & Wasiirka A.Dibada [Siwiro]

jiinka July 21, 2013 Comments Off
Kulan Madaxda Suudan & Wasiirka A.Dibada [Siwiro]

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan wadanka Suudaan ayaa maanta la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan, iyaga oo sidoo kale tagay xarunta safaaradda Soomaaliye ee dalkaasi ku taalla.

 

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadd ee Dowladda Sudan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Safiirka Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Sudan Mudane Maxamed C/laahi Ugaas Faarax.

 

Dr Maxamed Nuur Gacal iyo wafdiga la socda ayaa waxa ay kulamo la qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha dibadda ee wadankaasi, ayagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu horeyso iskaashiga labada wadan iyo sidii loo xoojin lahaa.

 

Wasiiru Dowlaha oo kulan la qaatay dhigiisa wadanka Suudaan ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labada wadan, sidii xiriir caalami ah uu u dhexmari lahaa iyo sidii dowlada Suudaan ay gacan uga geysan laheyd horumarinta dhinaca Waxbarashada Soomaaliya.

 

Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa ka codsaday dhigiisa Dowladda Suudaan inay ka gacan siiyaan Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya in tababaro ay siiyaan, taasina mas’uulkaasi uu ka aqbalay islamarkaana uu soo dhaweeyay, waxaana uu balanqaaday waxyaabihii ay ka wada hadleen in dowladda Suudaan ay dhaqan gelin doonto.

 

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada ee Soomaaliya oo ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay Wadankaasi ayaa waxaa la socda Mas’uuliyiin ka socota Wasaarada Adeega Bulshada, waxaana la filayaa in ay la kulmaan Wasiirka waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Suudaan, islamarkaana ay kala hadlaan xoojinta deeqaha waxbarasho oo ay siiyaaan Soomaaliya.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.