Amaanka Soomaaliya Oo Ay Itoobiya Ka Taageerayso

jiinka July 21, 2013 Comments Off
Amaanka Soomaaliya Oo Ay Itoobiya Ka Taageerayso

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Dessalegn ayaa ku dhawaaqay in dowladiisa ay taageero buuxda oo dhanka ammaanka ah ay siineyso dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay inay ka shaqeyn doonaan ammaanka iyo kala dambeynta dalka Soomaaliya.

 

Kadib kulan ay wada qaateen wasiirka gaashaandhiga iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayuu ka sheegay Ra’iisul wasaare Hailemariam Dessalegn in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerada dadaalada lagu xaqiijinayo ammaanka iyo horumarka Soomaaliya.

 

Hailemariam Dessalegn,ayaa sidoo kale sheegay inay ka caawin doonaan Soomaaliya tababar ay siinayaan ciidamada difaaca dalka Soomaaliya iyo dib u dhiskooda.

 

Dhanka kale marka loo eego masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladiisa oo ka qeyb galay kulanka uu la qaatay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa lagu xaqiiyay in ciidamada Ethiopia ay ka baxayaan dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in kulanka looga hadlayay xiriirka laba gesoodka ee u dhaxeeya dowladaha Ethiopia iyo Soomaaliya.

 

Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay inay is dhaafsadeen aragtidooda ku aadan faa’idooyinka labada dal iyo la dagaalanka Alshabaab ee deegaanada kale ee Soomaaliya ku sugan.

Ugu dambeyn wuxuu fiqi sheegay inay isla soo hadal qaadeen xiriirka labada dal ee dhanka beeraha iyo ganacsiga.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.