Maamulka gobolka Shabeelada Dhexe ayaa ku guuleystay inuu heshiisiiyo beelo walaalo ah oo wada dega tuulooyin ku yaala Bariga magaalada Jowhar kuwaasi oo Maleeshiyo beeleedyo ka kala tirsan ay horey u dagaalameen.
Guddoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Cabdi Jiinoow Calasow oo ka hadlay munaasabad lagu soo gebagebeeynayay colaad u dhaxeeysay beelahaasi walaalaha ah ayaa ugu hambalyeeyay labada dhinac sida ay nabada u qaateen una garteen cawaaqib xumida colaadda.
Sidoo kale Cabdi Jiinoow ayaa u mahadceliyay Samadoonnadii gacanta ka geystay dhameynta colaadda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in maamulka gobolku uu dhiirigelinayo nabad ku wada noolaanshaha bulshada gobolka si looga gudbo wax kasta oo keeni kara dib u dhac iyo kala tag.
Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay bulshada gobolka iney ka wada shaqeeyaan Ammaanka, isagoo ku dheeraaday dib u dhaca iyo xawaaqib xumida laga dhaxlo colaadda, wuxuuna ballan qaaday in maamulku u caddaalad falidoono bulshada gobolka.
Hadalka gudoomiyaha ayaa imaanaya xilli maamulka iyo waxgaradka gobolka ay ku guuleeysteen iney muwaafaqo dhex dhigaan laba beelood oo walaalo ah ah oo wada dega bariga magaalada Jowhar.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.