Guddi gaadiidka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Wasaarada Gaadiidka oo iyada iyo Warfaafinta ay hoostagto C/laahi Ciilmooge Wasiirka warfaafinta in Baarlamaanka la horkeeno sharciga Gaadiidka dalka.
Xildhibaan Cusmaan Aadan Dhuuboow Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in la doonayo keenista sharciga gaadiidka dalka,maadaama gaadiidka si sharcidaro ah iminka lagaga qaado lacago badan.
Wuxuu sheegay in daruuri ay tahay helida sharciga gaadiidka,maadaama inta badan gaadiidka Magaalada gudaheeda ay ku galaan shilal kala duwan.
Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay Wasaarada shaqada ku leh gaadiidka inay ka gaabisay keenista sharciga ku aadan gaadiidka dalka iyo sida sharcigaasi loogu hogaamin lahaa.
Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka Xildhibaan Cusmaan Aadan Dhuuboow ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka gaadiidka ay la kulmaan oo u badan shilalka,ayna muhiim tahay helida gaadiid waliba ruuxa iska leh iyo sharcigiisa oo xilliga loo baahdo la heli karo.
Wasaaradaha Xukuumadda ayaa iminka ku mashquulsan gudbinta sharciyo lagu hago qeybaha kala duwan ee dalka.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.