War Deg Deg ah: Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo u dhaqaaqay Degmooyinka Warsheekh iyo Cadale.

xeydar September 4, 2012 Comments Off
War Deg Deg ah: Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo u dhaqaaqay Degmooyinka Warsheekh iyo Cadale.

War Deg Deg ah oo iminka na soo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo katirsan AMISOM & ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya inay  gaareen Degaanka Ceel macaan oo hoos taga degmada warsheekh Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Wararka ayaa intaa ku daray in ciidamadaani durba u jiheysteen degmada warsheekh iyo degaanka Cadale oo ay xarakada Al-Shabaab horay u faarujiyeen Degmooyinkaasi.

Mid kamid ah dadka degaanka ceel macaan oo magaciisa ka gaabsaday aya sheegay in ay indhihiisa qabteen ciidamo fara badan oo ku hubeysan hubka nuucyadiisa kala gedisan ay dhaafeen degaanka Ceel macaan

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya degaanada ay shabaab ku hareen ayaa cabsi badan laga dareemayaa, inkastoo ay yar tahay awood ka hor imaan karta ciidamadaasi faraha badan ee doonaya inay deeganadaasi fariisimo uga samaystaan, si ay ukala jaraan Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee Gobolka Sh/dhexe iyo Gobolka Galgaduud.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.