Maalintii 2aad Shirka Saudi Arabiya Ee A.Bulshada

jiinka July 19, 2013 Comments Off
Maalintii 2aad Shirka Saudi Arabiya Ee A.Bulshada

Shirka wadamada deeq bixiyayaasha Khaliijka oo ka socda magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa looga hadlayaa arimo ay kamid yihiin sidii Soomaaliya looga horumarin lahaa dhinacyada Adeega Bulshada, ayadoona shirka Soomaaliya ay kaga qeyb galeyso wasiirka Adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Drs. Maryan Qaasim.

 

Wasiirka Adeega Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim oo wareysi gaar ah siiyay Saxaafada ayaa sheegtay in shirka uu yahay mid Soomaaliya si gaar ah loogu qabtay,waxa ayna tilmaantay in diirada lagu saarayo hurumarinta Adeegyada Bulshada ee Soomaaliya,

Ayadoona xustay in wadamada ka qeyb galaya shirka ay isku raaceen in deeqaha la siiyo Soomaaliya loo soo mariyo wasaarada Adeega Bulshada arintaasi ayay tilmaantay wasiirka in horey ay kala hadleen wadamada Caalamka.

 

Shirkani looga hadlayo horumarinta Adeegyada Bulshada ee Soomaaliya oo maalnnimadii shalay ka furmay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo, ayadoona gabagabada shirka lagu wado in laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan horumarinta Adeegyada Bulshada ee Soomaaliya.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.