Maamulka Galmudug ayaa diyaargarow balaaran ugu jira xuska sanadguuradii Todobaad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay maamulkaasi.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi Axmed Baasto ayaa sheegay in maamulku uu diyaarqarow aad u balaaran ugu jiro xuska sanadguuradi Todobaad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay maamulkaasi, wuxuuna ugu baaqay dadweynaha iney u diyaargaroobaan sidii loo weynweyn lahaa munaasabada maalintaasi oo ku asteysan 14 September.
‘’Waxaan ugu baaqayaa shacabka in munaasabada ixtiraam gaar ah la siiyo howsha Galmudugna la dardar geliyo lana weyneyo xuuska 14 September oo ku asteysan markii la aas’aasay maamulkaasi sanadkii 2006’’ Sidiaasi waxaa yiri Axmed Baasto wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi.
Hadalkan ka soo yeeray maamul goboleedka Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeeyay uu maamulkaasi waday abaabullo iyo kulamo kala duwan oo looga arinsanayay sugida iyo xasilinta amaanka inta lagu gudajiro xuska sanadguuradii Todobaad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay maamulkaasi
cumar c/rashiid
cumarrashid@gamail.com
Comments are closed.