Amisom Oo Buuxinaysa Meelaha Ay Itoobiya Kabaxeyn

jiinka July 18, 2013 Comments Off
Amisom Oo  Buuxinaysa Meelaha  Ay Itoobiya Kabaxeyn

Shirjaraa’id uu maanta ku qabtay xarunta ciidanka AMISOM ee xalane Afhayeenka AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa wuxuu kaga hadlay xaaladaha ammaan ee dalka ka bixitaanka ciidanka Ethiopia ee Magaalada Baydhabo,iyo xaaladaha amni ee Kismaayo.

 

Cali Aadan Xumad ayaa hadalkiisa ku bilaabay ka hadalka arimaha Magaalada Baydhabo oo dhawaan ay isaga baxeyn ciidanka Ethiopia,halkaasina ay si rasmi ah ula wareegeen ciidanka AMISOM.

 

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in meelaha ay ka baxaan ciidanka Ethiopia dhamaan ay buuxin doonaan hadii ay yihiin howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya.

 

Cali Aadan Xumad ayaa la weydiiyay inay iska warqabaan ciidanka Ethiopia qorshaha ay kaga baxday Magaalada Baydhabo,maadaama ka bixitaankii ciidanka Ethiopia ee Degmada Xudur aysan AMISOM ka warqabin.

 

Gabagabadii shirkiisa jaraa’id oo Saxaafada ay su’aalo badan ku weydiiyeen ayaa wuxuu kaga hadlay ammaanka Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Kismaayo,isaga oo sheegay in arimaha ka socda Magaalada Kismaayo ay yihiin siyaasad go’aankeeda ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.