Qarax Amisom Kismaayo Lagula Egtay

jiinka July 18, 2013 Comments Off
Qarax Amisom Kismaayo Lagula Egtay

Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay magaalo xeebeedka Kismaayo kadib markii qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM ayna ku dhaawacmeen ciidamada iyo shacab Soomaaliyeed, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM.

 

Warka ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay marayeen xaafada Via Afmadow marka qaraxa lala eeganayay, waxaana ku dhaawacmay labo ruux oo rayid ah iyo seddex kamid ah ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo, sida warsaxaafadeedka lagu sheegay.

 

AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay in dadka dhaawacmay iyo ciidamada AMISOM ay heleen adeegyo caafimaad.

 

“Waxaan si xoogan u cambaareynaynaa weerarka ka dhacay Kismaayo oo waxyeelada ay kasoo gaartay rayidka, weeraradaasi wax saameyn ah kuma yeelanayso difaacida iyo taageerada shacabka Soomaaliyeed sidii ay u dhisan lahaayeen dalkooda”ayuu Gen Andrew Gutti taliyaha ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa u joogaa Soomaaliya sidii dowlada Soomaaliya ay kaga caawin lahaayeen amaanka.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.