Xukun Lagu Eedeeyay Rag Geystay Dil

jiinka July 17, 2013 Comments Off
Xukun Lagu Eedeeyay Rag Geystay Dil

Maxkamada ciidanka qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa xukun dil ah ku riday labo ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii Magaalada Garowe loogu geestay Sheekh Nuur Faarax Gacameey.

 

Labada ruux ee maxkamada ciidanka qalabka sida darajada koowaad ay xukunka ku riday ayaa mid kamid ah horay uu uga baxsaday deeganada maamulka Puntland,waxaana laga soo qabtay deeganada maamulka Soomaaliland oo dib loogu soo celiyay gacanta maamulkaasi.

 

Maxkamada darajada koowaad ee maamulka Puntland kulan ay shalay ufariisatay ayaa go’aankaasi dilka ah lagu xukumay labada ruux,kuwaasi oo lagu kala magacaabo Xuseen Jaamac Bile iyo Cabdulaahi Cismaan Axmed Caynte.

 

Xukunka Maxkamada sare ee ciidanka Puntland ay ku riday labadan nin ayaa wuxuu ka dambeeyay,kadib markii ay usoo idlaatay racfaan ka qaadashada xukun horay ay ugu riday maxkamada ciidanka Puntland kaasi oo kusoo dhamaaday natiijo la’aan markii muddo bil ah loosiiyay inay racfaan ka qaataan.

 

Labada ruux ee xukunka dilka ah lagu xukumay ayaa lagu eedeeyay in mid kamdi ah uu Sheekh Nuur Faarax Gacameey uu ku dhextoogtay masjid ku yaala Magalaada Garoowe 15-Bishii Febraayo ee sanadkaan aan kuguda jirno,iyadoo ruuxa kale fududeynta dilka Sheekha uu qeyb ka qaatay.

 

Allaha unaxariistee Sheekh Nuur Faarax Gacameey ayaa 15-kii Bishii labaad ee sanadkaan waxaa lagu toogtay masjid dhexdiisa xilli uu dukanaye Salaada Casar una taagnaa rakcada labaad ee Salaada,waxaana uu dilkiisa ka dhacay Magaalada Garoowe.

 

Maxkamada sare ee ciidanka Puntland ayaa horay uriday xukuno caynkaan oo kale ah,kuna riday dad lagu eedeeyay inay galeen dambiyo kala duwan.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.