Mashruuc Dib Waddooyinka Garowe Loogu Dhisayo

jiinka July 17, 2013 Comments Off
Mashruuc Dib Waddooyinka Garowe Loogu Dhisayo

Maamulka dawladda hoose ee Garoowe ayaa faah faahin ka bixiyay dib u habeyn lagu sameynayo waddooyinka dhex mara magaalada Garoowe, kuwaas oo maal gelintooda iyo dhismohoodaba ay gacan weyn ka geysanayaan hay’ado caalami ah iyo shirkado ganacsi.

 

Waddooyinkan oo qaarkood laami la saarayo ayaa hadda waxaa socda ololihii lagu billaabilahaa dhismohooda, iyadoona waddada ugu horreysa ay ku baxayso lacag dhan 17000$ boqol iyo todobaatan kun oo doolarka Maraykanka ah, sida uu saxaafadda u sheegay duqa magaalada Garoowe C/casiis Nuur Cilmi.

 

Labadii sano ee ugu dambeeyey waxaa is bedel weyn lagu sameeyey qaab dhismeedka guud ee magaalada Garoowe, sida suuqyada ganacsi, bur burinta goobaha sida sharci darrada ah u dhisan iyo Nadaafadda,

 

Sidoo kale waxaa la xiray luuqyada yar yar ee dhex mara xaafadaha, kadib markii dawladda Hoose ay amar ku bixisey in la owdo luuqyada sababo Ammaanka la xiriira.

 

Dawladda Hoose ee Garoowe oo kaashanayysa hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sanadkan gudihiisa dhamaystirtay dhismaha mid ka mida wadooyinka ugu dheer magaalada Garoowe, taasoo laami laga dhigay, islamarkaasna wax weyn ka tartay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.