Saraakiisha ciidanka maamulka Galmudug ayaa codsaday in laga gacan siiyo qalabeynta ciidanka maamulka Galmudug,xilli shalay Wasiirka arimaha gudaha ee maamulkaasi uu kormeeray xarumaha ciidanka.
Taliyaha ciidanka maamulka Galmudug Cabdi Jaamac Cabdule Xabeeb oo kahor hadlaye ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug,ayaa sheegay in xilligan ay doonayaan saacidaad dhanka qalabka ciidanka ah oo ay baahi weyn uqabaan.
Wuxuu sheegay taliyaha inay iminka u baahan yihiin in laga caawiyo dhanka qalabka isgaarsiinta iyo gaadiidka ciidanka,
Isaga oo u mahadceliyay ciidanka ammaanka sida ay ugu dadaaleen xaqiijinta ammaanka deeganada maamulka Galmudug.
Taliyaha ciidanka oo Wasiirka arimaha gudaha maamulka Galmudug usharaxaye xaalada ciidamada maamulka Galmudug,ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidanka ay xanuunsan yihiin ayna ubaahan yihiin dabiib.
Shalay ayaa wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Galmudug,wuxuu kormeeray xarumo ciidan oo ku yaala deeganada maamulka Galmudug.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.