Xilli lagu heshiiyay in hawada Soomaaliya laga maamulo Magaalada Hargaysa ayaa Wasiirka Duulista iyo hawada maamulka Soomaaliland,wuxuu ka digay in si sharcidaro ah haawada looga maamulo Magaalooyinka Muqdisho iy Nairobi.
Wasiirka wuxuu sheegay hadii ay dhacdo arintaasi inay keeni karto dhibaato islamarkaana ay dhalinkarto isfahanwaa soo kala dhexgala Soomaaliland iyo Dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaanshi Cabdi Wasiirka duulista hawada Soomaaliland ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in haatan hawada laga maamulo Magaalada Hargaysa islamarkaana ay siwadajir ah umaamulaan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland labada dhinacna ay dani ugu wada jirto,.
Shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Turkiga ayaa waxaa lagu heshiiyay in hawada Soomaaliya laga maamulo Magaalada Hargaysa ee Soomaaliland.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.