Ciidamadii Ethopiya ayaa maanta baneeyay xarumihii ay kaga sugnaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta Bay,waxana la wareegay xarumahaasi ciidamada AMISOM.
Afhayeenka Ciidanka ka socda midowga afrika ee nabad ilaalinta u jooga soomaaliya ee AMISOM Col Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in ciidamada Ethopiya ay gabi ahaanba ka baxeen magaalada Baydhabo.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ay jireen wada hadalo socday oo ku aadanaa sidii ay ciidamada AMISOM ula wareegi lahaayen amaanka gobolka Bay.
Ciidamada ay Ethopiya ayaa magaalada Baydhabo uga sugnaa meel ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha iyo warshada Xaseey.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.