Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku boorriyay shacabka ku nool magaalada Beledweyn iney la shaqeeyaan Ciidamo Booliis ah oo dhawaan ka howl bilaabay saldhigyada ku yaala xaafadaha magaalada Beledweyn.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo wareyso gaar ah siiyay Saxaafada ayaa ugu baaqay ummadda ku nool gobolka Hiiraan iney u midoobaan cadowgooda si deegaannada harasan looga xoreeyo haraadiga Shabaab.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ku boorriyay shacabka reer Beledweyne iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ayna soo sheegaan kuwa liddiga ku ah nabadgelyada ee ku dhex dhuumaaleysanaya bulshada.
Gudoomiyaha ayaa ka hadlay ahmiyada ay nabadgelyadu u leedahay horumarka bulshada wuxuuna hoosta ka xariiqay in maamulkiisu uu mudnaanta koobaad siinayo sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka.
Hadalka gudoomiyaha yaa imaanaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay magaalada Beledweyne ka howlgalayeen ciidamo Booliis ah oo si gaar ah u tababaran kuwaas oo sugaya amaanka magaaladaasi.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.