Shir laba maalmood u socday Gollaha Dhexe ee Dalladda Mideynta Dhallinyarada Soomaaliyeed USYU ayaa isku raacay in la isku shandheyo qaar ka mid ah xubnaha Sarsare ee Guddoonka & Guddiga Fulinta ee Dalladda USYU si loo dardar geliyo hawlaha Dalladda USYU.
Wadatashiyo iyo dib u eegid ee dhan walba leh isla Gollaha Dhaxe dhaxdeed ka dib,iyadoo la ilaalineeya nidaamka Dalladda USYU iyo baahida taagan ee Dalladda USYU si ugu adeego Bulshada ayaa Gollaha Dhaxe si buuxda isku wafaqeyn in isku shandheynta qaar ka mid ah xubnaha Gudoonka Sare iyo Guddiga Fulinta ee Dalladda USYU ay kala noqdaan sida tan waxaana ga’aanada ka hor aqriyey kulanka Xoghayaha Guud Dalladda Mideynta Dhallinyarada Soomaaliyeed USYU Mud. Maxamed Aweys Hussein oo u aqriyey sida hoos ku qoran asigoo ka bilaabay xubnaha Guddoonka.
1. Md. Maxamed Cabdullahi Yuusuf Guddoomiyaha Dalladda USYU
2. Marwo. Qadro Cali Caddow G/ ku xigeynka Dalladda USYU.
3. Mud. Maxamed Aweys Sh. Xuseen Xoghayaha Guud Dalladda USYU.
4. Layusa Muqtaar Ramadaan Hor/Dha & Haweenka Dalladda USYU
5. Cusmaan Shiikh Axmed Afhayeenka Dalladda USYU
6. Muqtaar Maxamed Abuukar Waxbarashada & Tababarada ee USYU
7. Anwar Xaaji Dhayib Dib’uheshiisinta & Xuquqda Adamaha
8. Deeqo Aweys Yuusuf Qorsheynta & Maamulka Lacagta
9. Sucdi Rajab Cabdullahi Waaxda Caafiaadka ee Dalladda USYU
Ka dibna Xoghayaha Guud wuxuu ku xijiyey magacyada Guddiga Fulinta oo u aqriyey sida tan:-
1. Maxamed Cabdi Cabdullahi Arriaha Bulshada & Warfaafinta
2. Daa’ud Xaaji Cusaan Qeybta Dib u heshiisiinta & Dhaqanka
3. Sagal Cabdiraxmaan Ibrahin Qeybta Gudniinka Fircooniga
Iyo 4 Xubnood Kale ka Tirsan Guuddonka Sare
Waxaan halkaan ku taageyreynaa wada hadalka dalka Turkiga ku soo gabagaboobay wajigii sadexaad oo u socday dowladda Somalia iyo Somaliland.
Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah iskaashi dhinaca Amaanka, Ganacsiga , Argagixisada, Burcad badeeda, ka fogaanshaha hadalada xanafta leh ee wax sii kala fogeyn kara , iyo wadaagista deeqaha caalamiga ah.
Waxaase qodobka ugu muhimsanaa uu ahaa in muddo 90 cisho gudahooda shir kale la isugu soo noqdo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, oo dabcan marka ugu dambeysa ku tagi doona arimaha xaasaasiga ah, sida midnimada Somalia, gooni isu taagga Somaliland iyo siyaasadda.
Sidaas darted anagoo ku hadleyna magaca Dallada Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan labada dhinac ugu baaqeynaa in ay hergeliyaan heshiisyadaas isla arkaasna la sii wado wada hadalada u bilaabatay Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.
Wabillahi twfiiq
Maxamed Aweys Xuseen
Xoghayaha Guud Dallada Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyeed USYU
Comments are closed.