Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midowbay, Nicholas Kay, ayaa ku tilmaamay go’aanka manta la gaaray ee ku saabsan dib-udhigista doorashooyinka,
In uu yahay mid ay ku dheehantahay Geesinimo iyo caddaladdba” ka dib markii ay iska horimaadho ka dhaceen qeybo ka mid ah Puntland.
Ergaygga Gaarka, Nicholas Kay, wuxuu yiri “waxaan tacsi u diraya dadkii ku waayey eheladoodi ay jeclaayeen.
Waxaan la xiriiray dhamaan dhinacyada ay Arrinta Khuseyso waxaana ku guubaabiyey in ay muujiyaan deganaasho”
Ergaygga Gaarka, Nicholas Kay, wuxuu cambaareeyay iskahor- imaadka, wuxuuna ku guubaabiyey dhamaan Qeybaha Siyaasadeed ee ka jira Puntlandin.
In ay ka faa’ideystan fursadan islana wada shaqeeyaan si ay ku xaqiijiyaan helitaanka nidaam ay ku dheehantahay Demoqoraasiyad, Nabad iyo kalsooni.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.