Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

jiinka July 14, 2013 Comments Off
Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Hal askari oo ka tirsan ciidaamada maamulka Jubbaland ayaa ku dhintay qarax saaka ka dhacay agagaarka Suuqa Ambulatoria ee magaalada Kismaayo.

 

Afhayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa xaqiijiyay qaraxa magaalada ka dhacay inkasta oo uusan tafaasiil dheeraad ah ka bixin sida wax u jiraan.

 

Qaraxa ayaa lagu sheegay in uu ahaa miinada meelaha fog laga hago oo lagu aasay waddada hareeraheeda.

 

cid sheegatay majirto masuuliyada weerarkaasi hasa yeeshee Al-shabaab ayaa waxa ay can ku yihiin weerarada loo adeegsado qaraxyada eel ala eegoto ciidamada, saraakiisha dowlada iyo ajaanibta dalka ku sugan, iyada oo inta badan ay shacab wax ku noqdaan.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.