Inkastoo horumar laga gaaray arimaha bini’aadanimada, wali waxaa taagan baahida ay qabaan dadka Soomaaliyeed, sidaasi waxaa yiri masuul sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.
Hayada arimaha aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNOCHA ayaa ku baaqday in wax laga qabo xaalada dhanka bini’aadanimo oo hayada ay sheegtay in wali ay ka taagan tahay dalka Soomaaliya.
UNOCHA ayaa ku baaqday in maalgasho weyn lagu sameeyo dalka Soomaaliya, waxaana ay ku micneysay arintaasi in loo gol-leeyahay in lagu baabi’iyo dhibaatooyinka ka jira wadanka ku yaala bariga qaarada Africa ee Soomaaliya.
“Waxaan ugu baaqayaa hayada caalamiga inay maalgashadaan Soomaaliya si dib loogu dhiso dalka,
Loona joojiyo dhibaatada ka taagan Soomaaliya, mudda waqtiga dheer qaadatay”sidaasi waxaa yiri agaasimaha xafiiska howlgalka hayada qaramada midoobay u qaabilsan arimaha bini’aadanimada John Ging.
Qiyaastii hal milyan oo shacab Soomaaliyeed ah ayaa lagu qiyaasay dadka u baaqan gargaar bini’aadanimo iyadoo inka badan 1.7 milyan la sheegay inay u baahan yihiin taageero, sida lagu sheegay warka kasoo baxay hayada UNOCHA.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.