Ciidamada maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta howlgal dhinaca ammaanka ah waxay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.
Ciidamada ayaa si gaar ah howlgalka uga sameeyay xaafadaha Calanley iyo Guul-wade.
Howlgalka ayaa la sheegay in lagu soo qabtay dad iyo hub aanan cadadkooda la shaacin
Ilaa hadda saraakiisha maamulka ma aysan ka hadlin howlgalka.
Muddadii uu socday howlgalka waxaa la jaray isgaarsiinta, iyadoo sidoo kale uu hakad ku yimid ganacsiga, inkastoo markii dambe dib loo furay.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.