MADAXWEYNE XASAN OO TACSI U DIREY SHACABKA SOOMAALIYEED GEERIDII KU TIMID DANJIRIHII SOOMAALIYA EE DALKA KOONFURTA AFRIKA

xeydar July 10, 2013 Comments Off
MADAXWEYNE XASAN OO TACSI U DIREY SHACABKA SOOMAALIYEED GEERIDII KU TIMID DANJIRIHII SOOMAALIYA EE DALKA KOONFURTA AFRIKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa eheladii, asxaabtii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Rabbi ha u naxaristee Marxuum Sayid Xasan Sharif Cabdullahi oo ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka Koofurta Afrika.

INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN

Madaxweynahu Waxuu sheegay in Marxuum Sayid Xasan Sharif Cabdullahi uu ka geeriyoodey dhammaan umadda oomaaliyeed “Inaa lilahi wa inaa ilayhi raajicuun,Waxaan leenahay Allaah Samir ha inaga siiyo Marxuumka dhammaanteen, waxa uu ka tegey dhammaan umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa Safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u matala dalka Koofurta Africa kana shaqeynayey sidii xiriirka labada dal dhidibada loogu aasi lahaa” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa EEBBE uga baryey inuu Jannadii fardowsa ka waraabiyo dhammaanteenna samir iyo IIMAAN naga wada siiyo. AAMMIIN

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.