Siminaar soconayay hal maalin ayaa loo qabtay ardayda wax ka barata Jaamacadda Daarul Xikma gaar ahaan kowooda barta Kuliyada Culuumta badda.
Siminaarka ayaa ka dhacay gudaha Markab ku xiran Dekeda magaalada Muqdisho,waxaana ardayda lagu barayay howlaha kala duwan ee la xiriira Maraakiibta iyo badda.
Tababarka oo ay iska kaashanayeen Macalimiin Soomaali iyo Syrian ah ayaa waxaa ka hadlay, Agaasimaha Wasaaradda gaadiidka Maxamed Cismaan Dhagaxtuur, isagoona sheegay in Jaamacada Daarul Xikma ay tahay Jaamacadii ugu horeysay ee dalka ka bilowda Kuliyada Badda tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya, waxa uuna xusay in wax lagu farxo ay tahay arintaani.
Gudoomiyaha Jamaacadda Daarul Xikma Dr. Yuusuf Axmed Hiraabe ayaa ka sheegay tababarka in kuliyadaani ay faa’ido u leedahay jaamacadda, iyo shacabka Soomaaliyeed.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.