Xildhibaan Dalxa:- Guddoonka sare ee Baarlamaanka waxaan uga fadhinaa inay sharaxaad ka bixiyaan erayga Gardoon, isla markaasna laga doodo

xeydar July 10, 2013 Comments Off
Xildhibaan Dalxa:- Guddoonka sare ee Baarlamaanka waxaan uga fadhinaa inay sharaxaad ka bixiyaan erayga Gardoon, isla markaasna laga doodo

 

Kulan mudaniyaasha Baarlamanka Soomaaliya ay shalay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa soo xaadirtay 143 mudane, iyadoo ajandihiisu ahaa ka doodista aqrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedka gardoonka dalka, fadhigii shalay ee baarlamaanka oo uu shir guddominayay guddoomiye ku-xigenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa waxaa ugu horeyn warbixin kooban laga dhageystay guddomiyaha guddiga garsoorka,Owqaafta iyo arrimha diinta ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Intasi kadib ayaa waxaa loo guda galay argatida xildhibaanada baarlamaanka ee ku aadan sida ay u arkaan hindise sharciyeedkan oo qaarkoodba ku tilmaamay in magaca gardoon uu yahay mid ku cusub golaha shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu yahay mid u baahan in la turxaan bixiyo sida uu sheegay xildhibaan Prof Max’ed Cumar Dalxa.
Prof Dalxa ayaa yiri “Waxaan jeclaan lahayn in si weyn looga dooda erayga Gardoon oo aan ogaano meesha laga soo minguuriyay oo laga fiiriyo dhanka dhaqanka diinta iyo sida uu u shaqeynayo in aan iska wadaagno”
Shir guddoonka baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa ugu dambeyn kulanka soo xiray, isagoo sheegay in arinta ku saabsan dooda hindise sharciyeedkan dib la isugu soo laaban doono maanta oo ah arbaco.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.