Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Middobay u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa u rajeeyey Umadda Soomaaliyeed in ay ku soonto Ramadaan farxad leh.
Ayadoo umadda Soomaaliyeed kala qeyb-galeysa Muslimiinta aduunka gudashada bisha Ramadaan ee soonka ah, ayuu Ergeyga gaarka ah yiri “Bishani waa bishii la cibaadeysan jirey waana waqti ku haboon in laga fakaro arrimaha faraha badan leh ee la doonayo in la qabto si loo adkeeyo guulihii la gaarey dhowaan.” Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay in ay sii wado habka ay ku gaareyso guulo la taaban karo si ay mar walba u hanato niyad wanaagga iyo taageerada uga imaneysa bulshada caalamka.
Ergeygga Gaarka ah ayaa ku baaqey in laga waantoobo ficillada Soomaaliya dib u dhac u keeni kara kana hor istaagaya in ay hesho maqaamka ay ka mudneyd in bulshada caalamka ee nabadda ku nool.
“Waxaan dhammaan umadda Soomaaliyeed u rajeynayaa soon ay nabad iyo farxadi ku dheehan tahay” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.
Comments are closed.