Taliska sare ee ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay hadal ka soo yeeray dowladda Kenya oo sheegtay in dhammaan beelaha dega gobolada Jubbooyinka ay taageersanyihiin, isla markaasna ay ka soo horjeedo hal beel oo ka mid ah beelaha halkaasi dega, wuxuuna sheegay afhayeen u hadlay ciidanka AMISOM in hadalka ka soo yeeray dowladda Kenya uu yahay mid aan khuseynin ciidamadooda ku sugan gobolada Jubbooyinka, isla markaasna uu yahay wax la iska yiri.
Col. Cali Aadan Xaamud oo ah afhayeenka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan oo ka jawaabayey hadal ka soo yeeray afhayeenka ciidamada Kenya Emmanuel Chirchir oo sheegay in beesha Mareexaan ay ka hortaagantahay gelitaanka magaalada Kismaayo, beelaha kalena ay taageersanyihiin ciidamada Kenya ay safka kula jiraan, wuxuuna ku dooday in haddii ay beesha Mareexaan taageeri laheyd ay marhore la wareegi lahaayeen magaalada Kismaayo sida uu yiri, taas oo uu ka soo horjeestay afhayeenka guud ee ciidamada AMISOM Cali Xaamud oo sheegay in ciidamada AMISOM aysan beelo gaar ah la socon, isla markaasna aysan beelaha Soomaaliyeed u kala soocneyn.
“Kenya kuma hadli karto magaca ciidamada AMISOM ee waxay ku hadli kartaa afka ciidamadeeda, Emmanuel Chirchir-na waa afhayeenka ciidamada Kenya ee ma aha afhayeenka ciidamada AMISOM, in beel ka mid ah beelah Soomaaliyeed la iska eedeeyo qorshaha AMISOM kuma jirto, mana dooneyno in beel gaar ah la eedeeyo” ayuu yiri afhayeenka ciidanka AMISOM oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray afhayeenka ciidamada dowladda Kenya.
Sidoo kale Col. Cali Aadan Xaamud waxa uu sheegay in ciidamada ku sugan gobolada Jubbooyinka ee ka soo jeeda dalka Kenya ay ka tirsanyihiin ciidamada AMISOM, wuxuuna yiri “Kenya kama hadli karto ciidamadeeda jooga Soomaaliya, waayo ciidamadaasi waxay ka mid yihiin AMISOM, waxaana ka hadli kara oo keliya taliska AMISOM ee Kenya si gaar ah uguma hadli karto howlgalada AMISOM, annagu ma heysano umana diideyno inay ku hadlaan magaca ciidamadooda oo keliya, laakiin kuma hadli karaan magaca ciidamada AMISOM’. sidaana waxaa yiri COl. Cali Aadan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.