Qarax miino oo ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha iyo warar sheegaya inay…

xeydar July 9, 2013 Comments Off
Qarax miino oo ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha iyo warar sheegaya inay…

 

Gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa saacado ka hor ka dhacay qarax xoogan oo nuuca miinada ah kaa oo lala eegtay gaari ay wateen Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya oo xiligaasi halkaasi marayay.
Qaraxa Miino ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Sarta Xaaji Cali Dheere ama Suuqa Sarifka waxaana lala eegtay gaari yar ay wateen ciidanka amaanka Dowlada Soomaaliya oo goobtaasi marayay, waxayan dad goob joogayaal ah ay sheegeen inay arkeen gaarigii la qarxiyey oo holcaya.
Lama oga qasaaraha iyana kasoo gaaray dadkii rayidka ahaa ee ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay , waxaana gabi ahaan goobta ka kala cararay ganacsatadii iyo dadkii kusugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay , waxaana halkaasi hada buux dhaafiyay ciidamo katirsan dowlada oo gaariga daminaya sidoo kale halkaasi baaritaano kawada.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.