Wafdigii Uu Hogaaminayay Wasiir ku-xigeenka arrimaha Dibedda Oo Dalka dib ugu Soo Laabtay

xeydar July 9, 2013 Comments Off
Wafdigii Uu Hogaaminayay Wasiir ku-xigeenka arrimaha Dibedda Oo Dalka dib ugu Soo Laabtay

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Jamaal Maxamed Barrow oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa Dalka Koonfur Afrika ayaa maanta dib ugu soo laatay Dalka, waxaana Wasiirka socodaalkiisa Dalka Koonfur Afrika ku weheliyay Taliyaha Hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Jeneraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha dibadda ayaa markii uu soo degay kadib waxaa uu intii uu ku sugnaa gudaha Garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde waxa uu hadal kooban siiyay saxaafadda, isagoo ka war bixiyay safarkoodi Dalka Koonfur Afrika iyo wixii ay kala soo kulmeen.

Mudane Jamaal Barrow ayaa yiri “ Dhowr arrimood ayaan u tegnay tan kowaad waxaan soo qiimeynaynay dadka ay dhibaatada gaartay, waxa laga qabtay, waxaana la kulanay mas’uuliyinta dalkaasi oo aan kala hadalnay in la xaq dhowro Soomaalida, waxaan kaloo la kulanay qaar ka mid dadkii ay dhibaatada gaartay, waxaana ka soo diyaarinay warbixin oo aan u gudbin doono shirka Golaha Wasiirada”

Sidoo kale Taliyaha Hogaanka socodaalka iyo Jinsiyadaha Cabdulaahi Gaafow Maxamuud oo ka mid ahaa xubnihii la socday wefdiga Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ayaa sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay Aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga ah, taasi oo uu ku tilmaamay in tahay talaabo horumar leh.

Jeneraal Gaafow ayaa intaa ku daray in ay la kulmeen mas’uuliyiinta Dowladda Koonfur Afrika islamarkaana kala hadleen dhibaatada dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalkaasi loo geysanayo, isaga oo xusay inay u balanqaadeen in wax laga qabandoono dhibaatadaasi.

Wefdigaan ayaa waxa ay ku guuleysteen in Dalka Koonfur Afrika laga furo xafiiska socdaalka iyo Jinsiyadaha, islamarkaana Dowladda Koonfur Afrika ay ka mid noqotay Dalalka Aqoonsaday Baasboorka Soomaaliga ah, taasi oo ganacsatada iyo dadka kale ay tahay fursad ay howlo ganacsi ugu soo sameysan karaan dalkaasi.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.