Wasiirka Wasaarada Horumarinta iyo Adeega Bulshada oo heshiis caalami ah la soo gasha Turkiga Dib ugu Soo Laabatay Muqdisho.

xeydar July 5, 2013 Comments Off
Wasiirka Wasaarada Horumarinta iyo Adeega Bulshada oo heshiis caalami ah la soo gasha Turkiga Dib ugu Soo Laabatay Muqdisho.

Wasiirka Horumarinta iyo Adeega Bulshadda Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan C/lle ee Magaaladda Muqdisho ka dib markii ay ka soo laabatay safar shaqo oo ay ku tagtay wadanka Turkiga.

Wasiirada ayaa waxaa garoonka diraadha ku soo dhaweeyay Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradu ay ka koobantahay Xildhibaano iyo Ururka Haweenka qaranka soomaaliyeed.

Drs Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshadda ee Xukuumadda soomaaliya oo qeybta nasashada ee Garoonka Aadan Cadde Warbaahinta kula hadashay ayaa ka warbixisay safarkii ay ku tagtay dalka turkiga,iyadoona wasiiradda sheegtay in waxyaabo badan ay u soo qabsoomeen,islamarkaana waxyaabaha ugu weyn ay ka mid yihiin in la qalabeeyo isbitaalkii hore ee Digfeer islmarkaana dib u furistiisa ay kala soo hadashay wasraadda caafimaadka ee dalka Turkiga.

Sidoo kale wasiiradda ayaa sheegtay in ay ka wada hadleen in shanta sano ee soo socota ay wasaaradda caafimaadka ee dalka turkiga ay gacan ka geysato taakuleynta adeegyadda caafimaadka ee isbitaalka digfeer iyo in sanad kasta ilaa 200 oo bukaano Dalka wax looga qaban waayay loo qaado dalkaasi.

Wasiiradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada soomaaliya ayaa intii ay ku sugneeyd dalka turkiga waxa ay kulamo la qaadatay mas’uuliyiinta wasaaradda Caaafimaadka ee dalka Turkiga iyadoona kala soo hadashay arrimo la xiriira horumarinta adeegyadda caafimaadka ee dalka soomaaliya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.