Ururka Midowga Afrika ayaa war-murtiyeed uu soo saaray waxay uu digniin ugu jeediyey xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna uga digay inay dib dhigaan doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isla markaasna ay u dhaqmaan sidii xildhibaanadii KMG ahaa ee ka horeeyay qaabkii ay u dhaqmi jireen marka ay joogaan xarunta gobola shacabka oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Midowga Afrika ee ku howlgala magaca AMISOM.
Kulan gaar oo ay arrimaha Soomaaliya ka yeesheen Gudida amaanka ee Midowga Afrika shalay ayaa waxay uga hadleen xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo sidii loo dhameyn lahaa xilliga KMG ahaa, isla markaasna aan dib loo dhigin doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, lana qabto waqtigii loogu talogalay.
“Dowladda cusub ee Soomaaliya ee hadda soo socota waxaa sugaya carqalado is dul saaran,waxaanan rajeyneynaa in qurbejoogta Soomaaliyeed iyo beesha caalamku aysan taageerada ka hagran, isla markaasna ay la shaqeeyaan dowladda imaan doonta, dowladdaasina looga baahanyahay inay wadashaqeyn fiican la sameyso dowladaha caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay shirkii Golaha ammaanka ee Midowga Afrika.
Hadalka ka soo yeeray Midowga Afrika ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo lagu wado in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhacdo bishan September 10-keeda oo ku began Isniinta soo socota, lamana oga in waqtigaasi ay qabsoomi doonto iyo in kale, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo hore dib looga dhacay qorshihii la doonayey in looga baxo xilliga KMG oo ay balantu aheyd in lagu soo afjaro 20-kii bishii August ee dhamaatay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.