Jeddah, Gudoomiyaha u qaabilsan Dhalinyarada iyo Isboortiga, ee Jaaliyadda iyo xafiiska wacyigelinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, mudane Cabdi Maxamed Yuusuf “Cabdi Shabeelle” ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii ka soo wareegtay 1-da Luuliyo 1960 u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, iyo gaar ahaan dhalinyarada isboortiga ee ku nool magaalada Jeddah.
“Anigoo ku hadlya magacayga, kan Xafiiska Jaaliyadda iyo Wacyigelinta dhalinyarada, iyo kan shacabka Soomaaliyeed, waxaan hambalyo hawada u marinayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Waxaa leeyahay Hambalyo waa maalintii aan iska tuurnay heeryadii gumeysiga, waanna maalintii aan Waqooyi iyo Koonfur midownay, waanna maalin taariikhi ah oo ruux kasta oo Soomaaliyeed qalbiga kaga taal,” ayuu yiri Cabdi Shabeelle.
Cabdi Maxamed Yuusuf “CABDI SHABEELLE” oo Hambalyo Ku Aadan 1-da Luulyo u Diray Shacabka Soomaaliyeed
July 5, 2013 Comments Off
Cabdi Shabeelle ayaa ku nuuxnuuxsaday taariikhdii gobanimadoonka Soomaaliyeed, isagoo si wanaagsan uga warbixiyay halgamayaashii SYL ee u istaagay inaan helno xornimada aan harsanayno maanta, wuxuuna kula dardaarmay dhalinyarada inay ilaaliyaan xornimadaas, muujiyaanna midnimo iyo dadaal xoogan oo ay ku mideeyaan umadda kala qobqobantay, ayna qadariyaan maalintaa sharafta badan ee soo noqotay sharafta umadda, tixgeliyaanna halgankii dheeraa ee ay umadda u soo gashay xornimo qaadashada.
Comments are closed.