Dugsiga Sare Al Bushra ayaa Xaflad Qalin jabin ah oo si heer sare loo soo Agaasimay u qabtay 30 Ardey oo qalin jabisay Sanad Dugsiyeedka 2012-2013, taas oo lagu qabtay hoolka shirarka FPENS ee Magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn xaflada waxaa kalimooyin ka jeediyay Ardeyda qalin jabisay,waxayna ku soo bandhigeen Riwaayad, Gabayo isugu jira Carabi & soomaali oo ka hadlaya Dugsiga Sare Al Bushra iyo Barashada Cilmiga Asaasiga ah , sidoo kale waxay ku soo bandhigeen kalimad ku saabsan Sii wadida Cilimiga ilaa heer Jaamacadeed.
Xafladan oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha Bulshada oo ay ka mid yihiin: Waalidiinta, Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, Bahda waxbarashada Sida: maamulka Dugsiga Albushra ,Maclinmiinta, iyo mas’uuliyiinta Jumciyada Al-Wafa.
Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Qaar ka mid ah masuuliyiinta FPENS oo qeyb weyn ka qaatay Hoolka lagu qabtay Xaflada,
Xafladan ayaa waxaa kalimooyin ka jeediyay Bahda waxbarashada oo dhamaantood tilmaamay inay farxada la qeybsanayaan Ardeyda ka qalin jabisay sanda dugsiyeedkan
isla markaana marxaladan adag u dhabar adaygay inay wax barashada Asaasiga ka so gaaraan dugsiga Sare.
C/Casiis sheekh Cabdi Maxamuud (Shuute) oo ka mid ah prof.rada xaflada ka hadashay ayaa sheegay in Iskuulka Al-Bushara in uu wax ka soo bartay, ahaana Dufcadii 1aad ee ka qalin jebisay Al-Bushara haatana uu ka mid yahay maclimiinta soo saartay Ardaydan qalin jabineysa sanadkan.
Khaasim Xuseen Maxamed Maamul ku xigeenka iskuulka Al-Bushra ayaa kalimad dar-daaran ah u jeediyay Ardeyda qalin jabisay wuxuuna kula dardaarmay in Waxbarashada ay siiwadaan kuna camal falaan, siina gudbiyaan, wuxuuna farta ku fiiqay in ardeyda qalin jabisay in ay haatan u bilaabaneyso waxbarashadii mustaqbalka u aheyd dalka, dadka iyo diinta.
Bahada waxbarashada oo ay ugu horeysay FPENS ayaa goobta ka hadashay waxaana afkeeda ku hadlay Ustaad Xasan Maxmuud Cali oo ah Madaxa Kormeerka FPENS,
waxaana hadaladiisa ka mid aha“Iskuulka Al-Bushra run ahaantii dowrkaas uu soo qabtay waa dowr aad muhiim u ah, ardeyda halkaan fadhidana kaliya ma uusaan soo saarine,wuxuu soo saaray dufacaad hore,”Waxaan ku faraxsanahay sanad waliba in aan ka soo qeyb galo qalin jibinta ardeyda Iskuulka Al-Bushra oo ka mid ah Aas-aasiyaashii FPENS haatana ay ku mideesan yihiin in ka badan 96 Iskuul”.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Jumciyada Al-Wafa Ibraahim Cali Yarow wuxuuna yiri:“Waxaan leeyahay Maamulka Iskuulka Al-Bushra oo maraaxil kala duwan, dhib fara badan soo maray juhdi fara badan ku soo bixiyay sidii ay u soo gaarsiin lahaayeen marxaladaan iyada oo la soo maray Barakac fara badan, Qax fara badan, jahli fara badan, dhib fara bdan, waxaan leeyahay juhdigaas ay soo bixiyeen in loogu mahadceliyo, waxaan idin leeyahay aad ayaad u mahadsantihiin dadaalkiina sii wada”.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.