Safiir Cusub Ee Dalka Uk Oo Uu Madaxweynaha Soomaaliya Ka Gudoomay W.Aqoonsiga

jiinka July 2, 2013 Comments Off
Safiir Cusub Ee Dalka Uk Oo Uu Madaxweynaha Soomaaliya Ka Gudoomay W.Aqoonsiga

Madaxwaynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuud ayaa maanta waxaa uu waraaqihiisa aqoonsiga ka Guddoomay safiirka cusub ee dowlada Uk u soo magacaawday dalka Soomaaliya Neil Wigan oo lagu bedalay Math Bow.

 

Kulan ka dhacay xafiiska Madaxwaynaha ee Villa Soomaaliya ayaa waxa wada qaaatay Safiirka cusub iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Markii uu kulanka soo gaba gaboobay kadib ayaa waxaa saxaafada si wadajir ah ula hadlay wasiirka arimaha dibada ahna Raysal wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo safiirka cusub.

 

Foosiyo oo hadalka ku horeesay ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu waraaqihiisa aqoonsiga ka Guddoomay safiirka cusub ee Uk.

 

Neil Wigan safiirka cusub ee dowlada Uk u soo magacaabday Soomaaliya oo isna Saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in waraaqihiisa laga qaabilo.

 

Aad baad u mahadsan tihiin dhamaan inta halkaan joogto sida wacan ee aad iisoo dhaweyseen,

Dowlada Britain waxay xiriir adag la leedahay Soomaaliya,waana shaqadeyda inaan ilaaliyo xiriirka dhaxeeya Soomaaliya iyo Britain,

 

Waxaana dowlada Federaalka Soomaaliya ka taageeri doonaa sidii loo heli lahaa Nabad kama danbeys ah,waxaana xusuus mudan in hada Britain door muhiim ah ka qaadaneyso Nabadeynta Soomaaliya.

 

Xiriirka wanaagsan ee dhanka dibada ah aad ayuu muhiim ugu yahay Soomaaliya,waana ku amaaneynaa wasaarada arimaha dibada howsha ay ka hayso dibada.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.