Ka dib kulan si wada jir ah magaalada Bujunbuura ugu dhexmaray Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Burundi ayaa iyagoo xariirka labada dowladood ka wada hadlayay waxay ku soo hadal qaadeen Xaalada dalka Soomaaliya iyo caawinaada isgarabsiga ah ee Soomaaliya ay ka geysanayaan.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyati oo ku horeeyay hadalka ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in Burubdi iyo Kenya u midoobaan sidii loo balaarin lahaa howgalka ay ka wadaan Soomaaliya ee ay ku taageeraayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya,
Isagoona si wada jir ah u sheegay In Kenya iyo Burubdi ay iska kaashanayaan sidii loo kordhin lahaa Caawinaada la siinayo Xukuumada Soomaaliya.
Madaxweybe Kenyati ayaa ku adkeeyay wadamada Africa ku yaala inay u istaagaan sidii loo garab istaagi lahaa wadanka dagaalada ka soo kabsanaya ee Soomaaliya,
Wuxuuna Balan qaaday in doorka kaga aadan soomaaliya marna hoos uusan u dhigi doonin.
Wuxuu Hoosta ka xariiqay Madaxweynaha Kenya in dowlada Burundi Qorshaheeda uu yahay sidii Soomaaliya ay ku heli lahayd dowlada sida rasmi ah dadka Soomaaliyeed ugu adeegto baahidooda kala duwan.
“Kenya iyo Burundi waxay ku heshiiyeen sidii loo balaarin lahaa Howlgalka AMISOM iyo in la iska kaashado sidii Soomaalida Cusub loo hirgilin lahaa,
Marnaba ma dhaceyso in dalalka Burundi iyo Kenya sheeda ka eegtaan waxa ka dhacaya Soomaaliya,”ayuu Yiri Mr Kenyati.
Madaxweynaha ayaa safar uu ku tagay dalka Burundi waxaa ku wehlineysay wasiirka arimaha dibada Kenya Amina Mahamed iyo saraakiil kale ee ka tirsan dowlada Kenya.
Dowladaha Burundi iyo Kenya ayaa marar badan ka heshiisay howlgalka Soomaaliya lama oga waxyaabaha heshiiskaan cusub uu ka badalaya kuwii hore.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.