Shacab umuuqday kuwa careysan iyo masuuliyiin ayaa isugu baxay Magaalada Garbahaareey ee Gobalka Gedo,
Kuwaasi oo ka banaanbaxaye ciidamada Kenya ee jooga Magaalada Kismaayo.
Inta badan shacabka ayaa ku dhawaaqaye erayo ka dhan ah Dowladda Kenya,sidoo kalena ay sheegayeen inay Dowladda Kenya iska dhicinayaan hadii aysan joojin dhibaatooyinka ay ka wadaan dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in ujeedka banaanbaxa uu yahay sidii shacabka reer Gedo ay umuujin lahaayeen dareenkooda ku aadan dagaalka Kenya ay kaga qeyb qaadatay Magaalada Kismaayo.
Wuxuu sheegay in ciidamada Kenya Magaalada Kismaayo ay ka geysteen xasuuq shacab taasina ay tahay arin aan loo dulqaadan karin,isaga oo sheegay in Kenya laga rabo inay Soomaaliya isaga baxdo.
Sheekh Maxamed Al-Qaadi oo kamid ah masuuliyiinta Ururka Ahlusuna ee Gobalada Koonfureed ayaa sheegay in ciidanka Dowladda Kenya ay ka dalbanayaan inay isaga baxaan dalka Soomaaliya,hadii kale ay la dagaalamayaan.
Wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay ku filan yihiin 100-askari oo Soomaali ah ayna ka adkaan karaan sida uu yiri.
Ciidamada Kenya ayaa waxaa lagu eedeynayaa inay si weyn kaga qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Kismaayo oo ay la safteen ciidanka Raaskaambooni ee ku sugan Kismaayo,inkastoo taliska Kenya ay beeniyeen wararkaasi.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.