Kooxda IFTIN STARS oo la hoyatay koobkii Marxuum Suleymaan Colaad Rooble Jiddah (KSA)

xeydar July 1, 2013 Comments Off
Kooxda IFTIN STARS oo la hoyatay koobkii Marxuum Suleymaan Colaad Rooble Jiddah (KSA)

Waxaa maanta oo jimce ah lagu soo gabagabeeyay garoonka Altaraji ee xaafadda Sharafiyah, tartankii koobka Marxuum Suleymaan Colaad Rooble ee dhowaanahan ka socday magaalada Jeddah ee dalkan boqortooyada Sacuudiga.
Tartankan oo socday mudo saddex bilood ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay 24 kooxood oo loo qeybiyay 4 guruub, taasi oo ugu dambeyntii ay isugu soo hareen labada kooxood ee Iftiinka Ceneykish iyo Iftin Stars.
Waxaa kasoo xafladii xiritaanka ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Qunsuliyadda Soomaaliya, sidoo kale waxaa halkaasi goob joog ka ahaa dhamaan gudoomiye kooxeedyadii kasoo qeyb galay tartanka.
Ciyaarta labada kooxood ayaa ku bilaabatay feejignaan ay muujiyeen labada dhinac, waxayna koox walba indhaha ku haysay koobka, mana jirin xeelado farsamo oo ay soo bandhigeen labada kooxood.
Kooxda Iftin Stars ayaa daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta ku boobsatay Gool laad dheer ah oo ay kasoo ganeen dhexda ciyaata taasi oo uu haleeli waayey goolhayaha kooxda Iftiinka Caneykish, waxayna gelinkii hore ee ciyaarta kusoo gabagabowday Gool iyo Eber.
Gelinkii dambe ee ciyaarta kolkii ay lasoo tashadeen tababarayaashooda, ayay labada kooxood kusoo galeen weerar iyo weerar celis, taasi oo ay taageerayaasha labada dhinac si weyn ugu riyaaqeen.
Waxay ciyaartu socotaba waxay labada kooxood isla dhaafi waayeen weerarada aan dhamaadka lahayn, waxayna ciyaarta kusoo gabagabowday Gool iyo Eber oo ay kooxda IFTIN STARS guusha uga qaaday kooxda Iftiinka Caneykish.
Tababare Ciise Gacameey oo aan ka wareysanay xaalada ciyaarta iyo guushii ay kooxdiisa soo hoyeen, ayaa marka hore ku amaanay kooxda Iftiinka Caneykish ciyaartii ay la dheeshay oo ahayd mid isu dheelitiran, haseyeeshe wuxuu ku eedeeyay qalalaase dhacay ciyaarta ka dib oo uu ku tilmaamay inay ka baxsan tahay usluubta ciyaaryahanka.
Tababare Ciise ayaa u mahadceliyay ciyaartoydiisa isagoo ugu hambalyeeyey guusha ay gaareen, wuxuuna sheegay inay maanta u tahay maalin taariikhi ah, iyadoo la xusayo halyey nafsadiisa u soo huray midnimada Dalka iyo dadka Soomaaliyeed, dina u habeeyay in lasoo nooleeyo ciyaartoydii iyo naadiyadii berisamaadka dalka ka jiray.
Waxaanu leenahay HAMBALYO naadiga IFTIN STARS, halka NASIIB WACAN aanu leenahay naadiga IFTIINKA CANEYKISH.


Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com

Comments are closed.