Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa ka socoto munaasabad ballaaran oo lagu weynaynayo 1-da luulyo oo ku began markii Gobalada Koonfurta Soomaaliya ay ka xuroobeen gumeestihii Talyaaniga.
Munaasabad weyn ayaa hada waxa ay ka socotaa Garoonka Kubbada Cagta ee Banaadir oo ku yaala degmada C/casiis,halkaasi oo ay isugu soo baxeen shacab badan iyo sidoo kale madax ka tirsan Dowladda.
Madaxda dalka ugu sareysa ayaa laguwadaa inay halkaasi gaaraan,kana qeyb galaan munaasabada,
Ciidamada ammaanka ayaa siweyn u adkeeyay Garoonka Kubbada Cagta ee Banaadir oo ku yaala degmada C/casiis halkaasi oo shacab aad uqiiraysan ay kuwada sugan yihiin.
1-da Luulyo sanad waliba maanta oo kale waxaa Muqdisho iyo dalalka ay joogaan Soomaalida ka dhaca munaasabado waaweyn oo lagu ballaarinayo 1-da Luulyo maanta oo kale.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmial.com
Comments are closed.