Dagaalada J,hoose baaq kenya u diray Madaxweynaha

jiinka June 30, 2013 Comments Off
Dagaalada J,hoose baaq kenya u diray Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo saxaafada La hadlay ayaa Ciidanka Kenya oo qeyb ka ah Ciidanka AMISOM ee ku sugan Kismaayo,

Waxa uu ugu baaqay in Foojignaan dheeri ah ay ka muujiyaan Colaadaha iyo Dagaallada Ka soconaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud ayaa Ciidanka Kenya uga digay in ay qeyb ka noqdaan Colaadaha Ka Jira Kismaayo,

 

Isagoona Carabka ku dhuftay in Ciidanka Kenya Loo baahanyahay in ay qeyb ka qaataan Nabad ku soo dabaalida Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

 

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud ayaa ah Fariin ku wahajahan Ciidanka Kenya ee Ku sugan Kismaayo iyadoona ay Xusid Mudantahay in Ciidanka Kenya lagu eedeeyay in ay ka qeyb qaateen Colaadaha iyo Xiisadaha Ka Jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.