Heshiis Ay Wada Saxiixdeyn Wasiirka Caafimaadka Turkiga & Wasiirka Adeegga Bulshada

jiinka June 30, 2013 Comments Off
Heshiis Ay Wada Saxiixdeyn Wasiirka Caafimaadka Turkiga & Wasiirka Adeegga Bulshada

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada Drs. Maryan Qaasim Axmed iyo wafdi balaaran oo ay hogaaminayso oo maalmahaan howlaha shaqo u joogay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa Heshiis.

 

Heshiiskaas ayaa ku saabsanaa furitaanka isbitaalka weyn ee Digfeer oo dhawaan ay dowladda aan walaalahanahay ee Turkigu dayactireen si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka Caafimaad iyadoona Isbitaalka.

 

Dowladda Turkiga oo gacanta ku haayso isbitaalka ayaa waxa ay shegeen in la furayo bisha September ee sanadkan si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed,

 

Waxaana yaala Isbitaalka 200 oo sariin, isagooo yeelan doono 32 qeybood oo qaabilsan xanuunada kala duwan.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee Drs. Maryan wasiirka horumarinta adeegga bulshada ay heshiisyo la saxiixato maddax badan oo caalamka ka tirsan tani ayaa daba socota dadaalka balaaran oo ay wado Wasiiradda iyadoo ku dooneyso in qoys walba oo Soomaaliyeed uu si joogto ah u helo adeeg caafimaad oo dhameytiran.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.