Wufuud Ka Socday Dowlada Oo Koonfur Afrika Gaaray

jiinka June 30, 2013 Comments Off
Wufuud Ka Socday Dowlada Oo Koonfur Afrika Gaaray

Wafdigan ka socday dowlada soomaaliya islamarkaane uu hogaaminaya Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Jamaal Maxamed Barrow ayaa xalay fidkii ka degay garoonka,

 

diyaaradaha OR Tambo International Airport ee magaladaJohannesburg.

Wafdigan ayaa waxaa kamid ah Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya General C/llaahi Gaafoow Maxamuud.

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika Danjire Sayid, iyo Madaxda kale ee Safaarada ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Wafdigani Waxeyna Saxaafadda kula hadleen goobta lagu nasto.

 

Dr Jamaal Maxamed Barrow Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha dibadda iyo iskaashiga xiriirka caalamiga dalka Soomaaliya oo Saxaafada u sheegay in socdaalka wafdigan xaqiiqa raadinta ah uu yahay u kuur galidd dhibaatooyin dhawaanahan loo geeysanayay Soomaalida ku nool dalka koonfur afrika.

 

Genaral C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa isna Soomaalida Koonfur Afrika u ballan qaaday inay wada heli doonaan baasarbooro taaso muddo farabadan ay sugayeen soomaalida reer koonfur Afrika.

 

Wafdigan ka socda dowlada soomaaliya ayaa sidoo kale garoonka ku soo dhaweeyay

madax ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dowlada koonfur afrika, iyagoo sheegay inay ku faraxsanyihiin socdaalka Wafdigan ayna si weyn u soo dhaweynayaan,

 

Wafidigan ayaa dowlada Koonfur Afrika kala wada hadli doono dilka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku hayaan burcada koonfue afrikaan ah iyo sidii ay dowlada koonfur afrika u aqoonsan lahayd baasoorka Soomaaliga ah iyadoona la filayo in heshiis wax tar leh laga gaari doona arimahaasi.

 

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay Wafdigaan kulamo la qaataan Madaxda Dowladda Koonfur Afrika iyo Jaaliyadda Soomaalida.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.