Wararka laga helaayo magaalada ayaa sheegaya in uu dagaalka bilowday kadib markii ciidamada maamulka Jubbaland waaberigii saakay ay weerar rogaal celin ah ku qaaday goobaha fadhiisinka u ah xoogaga kasoo horjeeda.
Dagaalkii dhexmaray shalay taageerayaasha Barre Hiiraale iyo ciidamada maamulka ayaa xalay joogsaday iyadoo aan lagu kala adkaan,
Inkastoo saakay uu socdo dagaal xoogan islamarkaana la sheegayo in kooxda uu hogaaminayo Barre Hiiraale goobo laga qabsaday.
Xaafadaha Calanley, nawaaxiga wershadda hilibka iyo dalcadda ayaa uu dagaalka xoogiisa ka socdaa.
Ciidamada Kenya oo ku sugan magaalada Kismaayo, islamarkaana kamid ah hawlgalka AMISON ayaa dagaalka kor ka eeganaya.
Dagaalka saaka dib uga qarxay Kismaayo ayaa u muuqda mid kalabax ah oo dhinacyada dagaalamaya uu mid walba doonayo inuu dhanka kale ka saaro magaalada.
Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada ayaa sababay dhimashada 10 ruux, iyadoo ay jireen qasaare soo gaaray dad rayid ah oo guryahooda ay madaafiic ku hoobteen.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.