Nicholas-Kay Oo Ku Baaqay Colaad Kismaayo In Si Deg Deg Ah Lagu Joojiyo

jiinka June 29, 2013 Comments Off
Nicholas-Kay Oo Ku Baaqay Colaad Kismaayo In Si Deg Deg Ah Lagu Joojiyo

Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Qm Nicholas Kay ayaa baaq la xariira in la joojiyo colaada kismaayo maanta u diray dhinacyada ku dagaalamay Magaalada Kismaayo.

 

Waxa uu sheegay wakiilka in dagaalka uu sababay khasaaro badan waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in dagaalka la joojiyo oo loo naxo dadka maatida ah ee halkaa ku nool.

 

Mr Kay ayaa tilmaamay in aan xiligaan Soomaaliya u baahnayn dagaalo sukeeye ee loo baahan yahay in laga gudbo waxa la isku hayo waxa uuna sheegay in ku baaqayo in dagaalada la joojiyo shuruud la’aan.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ilaa iyo iminka ka socda dagaalo xoogan waxana wararkii u dambeeyay sheegayaan in Ciidamada Axmed Madoobe la wareegeen xarumo hore Ciidamada hiirale joogeen.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.