Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay,qarax khasaare geystay ayaa ka dhacay magaaladaasi.
Qaraxa oo ay warar kala duwan kasoo baxayaan,ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in lagu soo xiray gaari nooca qudaarta keeno Magaalada,kaasi oo ku sugnaa halka loo yaqaan afar irdoodka Magaalada.
Warar kale ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada gaar ahaan ciidanka Uganda ee howlgalka AMISOM qeybta ka ah.
Dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa inuu jiro,inkastoo tiro rasmi ah aan la heyn ilaa iyo iminka.
Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka guud ee Magaalada Baydhabo,halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.