Dowlada Mareykanka oo qorsheyneysa inay balaariso howlgalkeeda Meleteri ee ay kula dagaalameyso Ururada Xariirka la leh Al-Qaa’ida ee ka dagaalamaya Qaarada Africa.
Sida lagu qoray warbixinta Saraakiisha Meleteriga Mareynkanka u qaabilsan Malitariga Africa ee Africom loo yaqaano ayaa sheegay inay qaadayaan talaabooyin ay saraakiil ciidamo tababar ah ugu dirayaan wadamada Soomaaliya iyo Maali,
Si tababar ay u siiyaan ciidamada labada dal kuwaasi oo laga damacsan yahay inay sii laba jibaaraan dagaalada ay kula jiraan kooxaha ka soo horejeeda.
Saraakiisha Mareykanka uu dirayo Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan daraasiin saraakiil qaabilsan tababarka dhanka ciidamada ah.
Arintaan Mareynkanka uu shaaciyay ayaa ku soo aadaysa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Obama uu safar ku joogo mid ka mid ah dal Africa ku yaalo.
Warkaan ka soo Mareykanka ee lagu daabacay Wakaalada wararka ee Reuters ayaa dhanka kale waxaa lagu xaqiijiyay in hada ciidamo ka socdo Xukuumada Washitong ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah dalalka Africa,
Kuwaasi oo shaqadooda lagu sheegay inay tababar ay siinayaan wadamada kaalmeynaya Soomaaliya iyo wadamada kale ee Africa qalalaasanaha ay ka jiraan.
Mareykanka ayaa taageeradan wuxuu ku micneeyay arimo badan oo ay ka mid yihiin in meesha laga Ururada Al-Qaa’ida xariirka la leh Al-Qaa’ida ee ay ka mid yihiin Al-shabaab iyo Boko iyo kuwa kale oo ka dagaalama galbeedka Africa.
Ciidamada Mareykanka la doonayo in loo soo diro Africa ayaa la geynayaan wadanka Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya halkaasi uu Mareykanka ku leeyahay Xarun Meleteri oo laga dagaalamo dagaalyahanada Al-shabaa.
Warbixinta ayaa intaasi waxay ku dareysaa in ciidamadaan ay wehlin doonaan diyaaradaha Mareynkanka laga leeyahay ee droneska loo yaqaano.
Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay inuu xoojin dooni ciidamadiisa la dagaalanka Burcad badeeda Soomaaliya iyo sidii loo ciribtiri lahaa Kooxaha dhibaatooyinka ka wada xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.